Al-Shabaab oo toogatay rag ay ku eedeysay in ay la shaqeeyaan Dowladda

0

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaaraha oo ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose,waxaa ay ku toogteen  shan qof oo lagu  Eedeeyey  inay la Shaqeeynayeen Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Shanta qof ee la tooggtay ayaa qofka ugu yar da’diisu waxaa lagu sheegay 24 jir,waxaana ugu da’ weyn 59 jir kuwaas oo ay AL-shabaab ku eedeeyeen in ay u kala shaqeynayeen Mareykanka,Kenya iyo dowladda Soomaaliya.

Raggga Al-Shabaab ay toogteen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa

1-cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle) oo 59 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay Ciidamada Danab iyo sharikadda Bangraf ee tababarta ciidamada Soomaaliya.

2-Cabdi kariim Muuumin Axmed oo 48 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya .

3-Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) oo 35 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay Dowladda Kenya.

4-Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

5-Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sana jir ahaana waxaa lagu eedeeyay in uu u  basaasayay hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.