SAWIRRO:-Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay wakiilada beesha caalamka

0

Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kullamo la qaatay wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda. Xubnaha uu la kulmay madaxweynaha Galmudug ayaa kala ah; Francisco Madeira oo ah Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya,Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, safiirka dalka Hindiya u fadhiya Soomaaliya, Wakiilka Urur Gobolleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Guyo iyo Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender. Kullamada oo si gaar gaar ah u dhacay ayaa inta badan diiradda lagu saaray xaaladda u dambeysay ee Galmudug , nabadgalyada deegaannada iyo dib u heshiisiin ka dhacda Galmudug. Galmudug ayaa isku diyaarinaysa doorasho guud, iyadoo deegaannada muddo ka badan toddobaad uu ku sugan yahay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre oo gogal dib u heshiisiined kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb.