Guddiga Horu-marinta Adeegga Bulshadda ee Aqalka sare oo Kulan la qaatay Ururada Bulshadda Rayidka

0

Kulankaan ay guddiga horu-marinta adeegga bulshadda, arrimaha bini’aadannimada, Warfaafinta iyo dhaqanka ee golaha aqalka sare BFS ay la yeesheen dhaqaatiirta Caafimaadka Ururada Bulshada rayid iyo dadka baahiyaha gaarka qabo ayaa waxaa looga hadlayay hindise Sharciyeedka Mihnadleyaasha Caafimaadka ee ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka XFS.

Prof,  Cismaan Xaaji  Maxamud Dufle oo ka mid ah guddiga horu-marinta adeegga bulshadda, arrimaha bini’aadannimada, Warfaafinta iyo dhaqanka ee golaha aqalka sare BFS kana tirsan guddi hoosaadka caafimaadka ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimada hindise Sharciyeedkaan uu u leeyahay Bulshada, loona baahan yahay in  bahda mihnadleyaasha ay soo bandhigaan fikirkooda

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta Caafimaadka ,Ururada Bulshada rayidka, iyo dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa ka hadlay hindise Sharciyeedka Mihnadleyaasha Caafimaadka, waxa ayna sheegeen in Xilligaanloo baahnaa Sharcigaan ay Wasaaradda Caafimaadka soo bandhigtay.

Senetar Samsam Daahir Maxamuud oo ah Xoghayaha guddiga horu-marinta adeegga bulshadda, arrimaha bini’aadannimada, Warfaafinta iyo dhaqanka ee golaha aqalka sare BFS ayaa sheegtay In loo baahanyahay Arragtida Bahda Caafimaadka.

Axmed Macalin Cumar Axmed Nadiir Guddomiyaha guddiga horu-marinta adeegga bulshadda, arrimaha bini’aadannimada, Warfaafinta iyo dhaqanka ee golaha aqalka sare BFS ayaa u mahad-celiyay qeybaha kala duwan ee ka soo qeyb-galay kullankaan wadatashiga ah oo looga tashanayay hindise Sharciyeedka MihnadlEyaasha Caafimaadka.

Sharcigaan ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda Caafimaadka XFS, waxaana  horey usoo ansixiyeen Golaha Shacabka BFS, haatana  wuxuu horyaalaa  golaha aqalka sare BFS.