Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaallo Ka Dhacay Sh/ Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaallo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ka dhaceen gobolkaasi.

Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab weeraro ay ku qaadeen tuulooyinka Buufow, Mashalaay iyo Danow oo ka tirsan Sh/ Hoose.

Tuulooyinka oo hoos yimaada deegaanka Shalanbood ayaa waxaa fariisimo ciidan ku leh Milatariga Soomaaliya oo halkaas dagaal kula galay Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigan intaba.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan iska hor imaadyada oo ahaa kuwaxoogan.