Duqeyn Xoogan Oo Ka Dhacday Gobolka Bari

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday agagaarka degmada Iskushuban oo ay ku xoogan tahay kooxda Daacish.

Ma cadda khasaraha ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga illaa iyo hadda cida fulisay weerarkaasi dhanka cirka ah.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan duqeyntaasi.