DAAWO:-Soomaali ku Lagu dilay Duqayn Liibiya Ka dhacday & Wararkii ugu dambeeyay

0

Duqayn ka dhacday dalka ayaa sheegaya inay ku dhinteen afartan Ruux oo soo galooti ah kuwaasoo ku jirey xero ku taal bariga magaalada Tripoli.

Duqeyntan ayaa sidookale la sheegay inay ku dhaawacmeen 80 ruux iyadoo dhammaan dadka waxyeeladu soo gaartay ay ahaayeen dadka soo jeeda qaaradda Afrika.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in dadka wax ku noqday ay ku jiraan Soomaali dooneysay inay u tahriibaan wadamada Yurub.

Cusmaan Cali oo ah afhayeenka shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 120 soo galooti ah ay gaajaysnaayeen marka ay duqayntu haleeshay.

Wuxuu intaas ku daray nin laga yaabo in geeridu ay intan ka badato “maadaama oo tirada la shaaciyay aysan kama dambays ahayn”.

Dawladda ay Qaramada Midoobay taageersan tahay ee uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaare Fayez al-Serra, ayaa weerarkaas oo Arbacadii dhacay ku eedaysay ciidammada isku sheega Milatariga Qaranka Liibiya

Ciidammadaas waxaa hoggaamiya ninka awoodda badan ee Khaliifa Haftar oo aagga uu weerarku ka dhacay kula dagaalamaya ciidammada dawladda caalamku aqoonsan yahay.

Isniintii ayay ku dhawaaqeen in ay weerarro culus oo dhanka cirka ah qaadi doonaan iyaga oo bartilmaameedsan doona bartilmaameedyo Tripoli ku yaalla ka dib markii la soo afmeeray noocyadii “la yaqaannay” ee dagaalka.

Balse afhayeen u hadlay ciidammada janaraal Khaliifa Xaftaar ayaa diiday in ciidammadoodu ay duqeeyeen xarunta lagu hayo dadka soo galootiga ah.

Wararka ka imanaya dalka Libya ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday Libya ay ku dhinteen afartan ruux oo soo galooti ah kuwaasoo ku jirey xero ku taal bariga magaalada Tripoli.