AKHRISO:- Shir Saxaafadeedkii Wasiirka Arrimaha dibadda oo baaqday

0

Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa baajiyay Shir Saxaafadeed lagu waday in 2:00 ee maanta uu ku qabto Xarunta Wasaaraddaha Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xafiiska Wasiir Cawad ayaa laga wacay Saxaafadda maanta waxaa ugu dambeyntii lagu wargaliyay in uu baaqday Shirkii Jaraaid ee Wasiirka, islamarkaana laga dhigay Waqti kale oo aan la shaacin.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Wasaaradda Arrimaha dibadda ay saari doonto War Murtiyeed ay kaga hadleyso Arrimaha Kenya, waxaana sidoo kale soo baxaya Warar sheegaya in Wasiirka uu Caddaadis kala kulmay Madaxda Sare ee dalka.