AKHRISO:- Nin ka tirsan Alshabaab oo qorsheynayay inuu weeraro ka geysto dalka Filibiin oo la qabtay

0

Booliska wadanka Philippines ayaa xirey nin u dhashay dalka Kenya oo ka mid ahaa ururka Al-Shabaab uuna qorsheynayay weeraro.

Choclo Abdi Abdullah, ayaa laga qabtay Hotel ku yaalla Magaalada Zambales oo ku taalla Waqooyiga Caasimadda Manila.

Ninkan oo la qabtay gelinkii dambe ee Isniintii sida ay daabacday coastweek waxaa uu haystay Bastoolad, Bambo gacmeed iyo maaddooyin kale oo qaraxyada loo adeegsan karo.

Dowladda Philippines ayaa sheegtay in Cabdullahi uu Magaalada Pasay Iskuul ku yaalla ka baranayay duuliyenimada, sida loo afduubo diyaaraha iyo wixii la mid ah.

Waxa kale oo lagu eedeeyay in uu ka been abuuray Dukumintiyada uu ku joogay gudaha Dalka Philippines.

Kenya ayaa hore ninkan ugu jartay warqad lagu soo xirayo,waxaana ay sheegtay in uu ku biiray Al-shabaab sanadkii 2012kii.

?????????????????????????????????????????????????????????