Akhriso:-Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Boosaaso

0

Warar aan helayno duleedka bosaaso ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa waxaa u dhexeeyay Ciidamada amniga Puntland iyo kuwo ilaalo u ahaa dad wax tahriibiya oo ku sugnaa duleedka Boosaaso,isla markaana dagaalka la isku hubka noocyadiisa kala duwan sida dadka goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen.

Warar ayaa sheegaya in dagaalka ay ku geeriyoodeen laba qof oo labada dhinac ah,halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 5 ruux,waxana dagaalka uu ka yimid kadib markii Ciidanka amniga Puntland ay weerar ku qaadeen Saldhig Kooxda dadka tahriibisa ay ku lahaayeen deegaanka Mareero oo 10-KM u jira Boosaaso.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Ciidanka amniga Puntland gacanta ay ku dhigeen xubno tirsan Koox dadka ka tahriibisa deegaanda Puntland,isla markaana ay horey usoo wateen.