AKHRISO:- SOMALILAND HA U FURTO SHACABKA DOOD CILMIYEED HALISTA DAWADA MIDAB DHALAN ROGA

0

Waxaan aad ugu faraxsanahay,dareenka iyo fikirka ku qotama shar iyo khayr kolba wixii dalkeena soomaaliya iyo soomaaliland ku soo kordhaba in rag u koco dhiiri galiya wixii khayra,wixii dhib ahna uuga diga bulshada soomaaliyeed. waxaa hadaba aragtida dheer iyo hal abuurnimada aan tix galin gaara ku siinayaa Somaliland shacab iyo dawladba in ay leeyihiin dad mufakiriin ah oo meel dheer wax ka arka bushadana u ah difaac adag.

Waxaan wada ogsoonahay in dawooyinka kiimikaalka ah ee laga isticmaalo dalalka afrika gaar ahaan iyo inyaroo kamid ah dalka india oo ah kuwo lagu suulinaayo,ama lagu badalaayo midabka dabiiciga ah ee illaahay u dhaliyay qofka,isagoo aan wax jiro ah qabin iskana dawaynayn wax cudur ah oo uu maqaarka kore ee jirkiisu leeyahay uu isticmaalo. Tanoo ah waxa la raadinaayo qurux iyo muuqaal midab fiican oo qofku helo.

Hadaan qeexid u raadino horta quruxi waa maxay? rag iyo dumar waa lagu kala duwanyahay aragtida qof walbaa ka qabo quruxi waxay tahay. Hadaan tusaale usoo qaato naftayda shaqsiyan waxaan jeclaa oo ila quruxbadan xaga dookha quruxda dumarka goortaan xulanaayay,gabar dheer leh midabka soomaalida ee maarinka ah dhuuban. laakiin saaxibkay oo aan meel ku soowada koray mudo dheerna aanu nahay saaxiibo nafta isu bixiya,ayaa isagu la dhacsan dookh ahaan quruxna u yaqaan gabadhoo hada calfaday oo ah mid gaabaan oo buuran.

Waxaa igu dhacay xoogaa yaab! waloow aan aqoon durugsan u leeyahay saaxiibkay,hadana ma filayn goonbaar buu ka duldhici doonaa!! cajab waxaa ah hadana saaxiibkay waa nin dheer oo ku dhaw laba mitir. wax kabaxsan kaftan uma aana sheegin saaxiibkay maxaa yeelay waxaan ku xeel dheerahay illaalinta xuquuqda qofka iyo saaxiibtinimada oo aan qalbigiisa dhawraayay,xaqna uu uleeyahay sida uu ku faraxsanyahay,waana ku garab galay taakulayntii arooskiisii. waxaana ogaaday sida uu u yaqaan quruxda saaxiibkay iyo sidan u aqaan tanoo keentay fahanka ah quruxdu malaha qeexid iyo midab gaara iyo qaab gaara oo si gaara loogu bartilmaami karo. waayo waxaad quruxda u taqaan ninbaa foolxumo u yaqaan.

Mid hadaad aragto aad guur iyo meherin iska dhaafe kabaha aad boobi lahayd adoo yaasiinka carabka ku haya,ninbaa daba rucleeynaaya oo gaari waayay oo leh runeey kaalay soo reero ruunay kaalay raxlee… waa aduun fahan u baahan iyo daganaan.

Dunidu iskuma raacsana maxaa foolxun maxaa quruxbadan,waa maxay quruxi?

Qolaa timid afrika oo keentay dawo wax yeelo farabadan ku reebaysa qofka marsada,dawadan oo ay ku jirto kiimiko gubaysa dubka sare ee qofka ilaa ayka saarto meesha.markaa qofkii wuxuu u ekaanayaa midab laawe,cadaan sax ah maha hadaad ufiirsato madawgiisiina laga kaxee. dabcan qofkan waxa uu aaminay waxa uu u haysto in quruxi tahay oo ah midabka cadaanka tiibii tiigsanayaa siday la tahay. yaa yidhi cadaanbaa qurux ah oo isku raacsan?

Dawladaha reer yurub ee cadaanka ah maha in qarnigan 21aad ka ganaacsadaan jirkeena oo warshado usamaystaan soo saarid dawo kiimikaal ah oo gubta dubka sare ee dadka madoow si ay u helaan malaayiin dollar ah. waxaana dawadni ay mabnuuc ka tahay dalalkooda lagumana iibin karo. Cidii ku iibisaana waa xarig maxkamad ayaa lasoo taagayaa.

Dalkeena soomaaliya iyo somaliland suuq wayn ayaa laga furtay oo ah midabkaaga u badal cadaan si aad u quruxbadnaato. waxaa cajab noqotay in hada wiilashii loo soo dhigtay si suuqu waasac u noqdo oo lacag fiican looga helo dadka isticmaalaana ay ubataan oo rag iyo dumarba loo dareero midab badalasho. meeshana kama maqna in dadka madawga lagu caayo oo foolxumo loogu tilmaamo si nin walbaa dawada u tiigsado!

Dhab ahaan dawo maha waa qof cudur suuqa ka soo iibsaday oo naftiisii dilaaya qofka isticmaalaa kimikada disha jirka iyo maqaarka qofka madoow. Hadaan intaa kaga haro.

Waxaa caqli iyo fikir saliim ah soo jeediyay ninkii koobaad ee soomaaliyeed oo kamid ah dawlada somaliland ahna xildhibaan lagu naaneyso indho indho,oo dareemay dhibkaan kana gilgishay oo u kacay in dadkiisa soomaaliland ka bad baadiyo khatartan caafimaadka bulshada wax u dhimaysa. Waanin asiibay wado sax ah oo muu jiyay wadaniyad iyo xilka saaran gudashadiis xilkaas oo ah in uu badbaadiyo dadkiisa wixii khatar ku ah. mana aha arin siyaasad haba yaraatee la xariirta maxaayeelay waa khatar ka hortageed taabanaysay mu ayid iyo mucaarad shacab iyo dawlad xisbi iyo siyaasi kasta.

waa dan guud looma rari karo xisbiyo isku cayrsanaaya dano siyaasadeed. Adeer tani siyaasad maha sidaa daraadeed gudoomiyaha guurtida saleebaan waa nin oday ah wax garad ah dalkiisa jecel hayeeshee arinkan wuu ku khaldan yahay in uu ka horyimaado in uu taageero mooyee. waxaase layaableh saleebaan xaguu ka keenay hablaha soomaaliland in quruxdoodu tahay cadaan? isagu sow isma arko ma isagaa cad marka laga hadlaayo midab sawkan ah mareen dhalaal quruxoon, waa maxay cadaantan uu u difaacanayaa? haduuse isagu u arko cadaan qurux imisaan u aqoon?

Sidee ayuu u xukumayaa in cadaantu ama midabka cadi yahay ama tahay qurux? waxaase kasii daran in uusan Gudoomiye saleebaan khayr illaahay hasiiyee hoosba u eegayn dhibka ay leedahay midabkaaga ood doorisaa adoo la dhacaaya kiimiko! si aad u cadaato oo kaliya. wax yeeladeeda hoose iyo dhibka haysta hablihii isdhalan iyo midab rogay maanta haysta xog rasmi ah kama haayo xaalkooda saleebaan.

Markay halkaa joogto,somaliland iyo soomaaliyaba waxaynu u baahanahay aqoon yahano culimadii diinta iyo wax garad falan qeeya oo ka faalooda arinkan lagu suulinaayo caafimaadkii iyo midabkii umada soomaaliyeed.waayo aqoontu waa in ay kaa reebtaa khataraha jira dunidan nin walbaa haduu kaa heli karo sun kaa iibinaayo isagoon dantaada iyo bini aadnimo midna eegayn.

Arinkan si dhab ah oo ku qotanta daraasad cilmiyeed oo ay ka hadlaan dad ehel u ah mawduucaan hala qabto haday kasoo baxdo in isticmaalka dawadani tahay mid wax yeelo inoo ah hadaynu nahay bulshada soomaaliyeed iyo soomaaliland intaba aynu inta hartay ee aan wali isticmaalin dadkeena badbaadsano. Oday saleebaana bal si dagan marlabaad ha u baaro dhibka arinkaan intuusan toorayda gasha kala bixin. saleebaan wuxuu ku jiraa dadka somaaliya iyo somalilandba ay u hayaan qiimo weyn waana oday soomaaliyeed dhab ahaan.

Laakiin danta guud ee dadkeena waliba markay gasho arin caafimaad yaynaan warmaha isku boobin ee aan meel uuga soo wada jeed sano magiciin jiryee. Xildhibaan indho indho waxaan loo halgamin laguma helo hawl yaraan arinkaa aad bilawday oo khayrka ah meel gaarsii aad iyo aad baad uugu mahad santahay dadaalkaaga iyo aragtidaada aad ku bad baadinaysid caafimaadka malaayiin u badan hablaha soomaaliyeed ee dagan geeska afrika.

Ururada bulshada iyo saxaafada iyo maamulada dalka ha fuliyaan aqoon iswaydaarsi iyo dood ku saabsan dawadan waxaase yaableh dadka soomaaliyeed si nabd iyo is xurmayn ah iyadoon qofna qofka kale u gafayn ha laga hadlo xaiiqada dawadan midab dooriska ah siyaasad maha iyo wax u dhawtoona. waadan guud. waxaan u mahad celinayaa dawlada iyo shacabka Soomaaliland ee doodan noo furay anfaca leh. laakiin waa in aad kala saartaan kala duwanaanshaha aragtida Gudoomiye saleebaan iyo Xildhibaan indho indho oo mid waliba uu Soomaaliland la doonaayo wanaag uun.

DOODAN U DHAXAYSA LABADAN MASUUL WAA ARIN QARAN EE HALA DHUUXO HANA LAKALA SAARO HOOS KA DAAWO.

Daawo Maxaa kala Qabsadday Gudoomiye Saleebaan Iyo Xil Indha Indho + Daawada leysku Caddeeyo oo Ay
Kala soco Goorkasta wararkii ugu Danbeeyey iyo Dhacdooyinka Caalamka.
youtu.be