SAWIRRO:-Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BJFS oo shirka horumarinta Baarlamaanada Aduunka uga qeyb galaya Moscow

0

Shirka caalamiga ah ee horumarinta Baarlamaanada Aduunka ayaa maanta ka furmay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya u metalaya Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo xubno Senataro ah oo uu hoggaaminayo.

Kulanka oo soco doona mudo saddex beri ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dowrka Baarlamaanada Aduunka ee Nabada iyo Xasiloonida, Faqriga, Bii’ada iyo qodobo kale.

Waxaa jiri doona kulan gaar ah oo u dhaxeeya Ruushka iyo Africa loogana hadli doono xiriirka Baarlamaanka Ruushka iyo kuwa Afrika.