DHAGEYSO:-Xildhibaan Dalxa oo Ka Digay in La Siyaasadeeyo Kiiska Dadkii Lagu Laayey Gaalkacyo

0

Magaalooyinka Dhuusa-Mareeb Iyo Gaalkacyo oo labaduba Kawada Tirsan Gal-Mudug waxaa Ka dhacay weeraro lagu dilay dad aan waxba galabsan ee kasoo Jeeda Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Intaas kadib dawladda Soomaaliya ayaa Guddi xaqiiqo raadin ah u dirtay Magaaladda Gaalkacyo si wax badan Looga ogaado waxa ay salka ku hayey dilkaasi.

Xildhibaan Maxamed Cuumar Dalxa oo kamid ah Baarlamanka aqalka hoose Ee dalka deegaan Doorashadiisuna Tahay Koonfur Galbeed ayaa ka digay in la siyaasadeeyo kiiska Dadkii lagu laayey Magaaladda Gaalkacyo.