DAAWO:- Farmaajo “Waxaan qabaa rajo fiican. Waxaan qabaa in Soomaali ay midoobi doonto,

0

Madaxweynaha oo munaasabadda 1-da Luulyo khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku boorriyay inay ku fara-adaygaan midnimada, wadajirka iyo walaaltinnimada dhexdooda ah, kana qayb-qaataan dadaallada ay dowladdu ugu jirto dhisidda Qaran Soomaaliyeed oo maqaam sare ku dhex leh caalamka.

“Waxaan u dabbaal-dagaynaa sannad-guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii gobollada Koonfureed ay xorriyaddii ka qaateen Talyaaniga, Waqooyi iyo Koonfurna ay ku midoobeen hal dowlad, hal qaran iyo hal calan.”