Trump iyo Kim Jong-un oo ku shiraya xadka labada Kuuriya

0

Hogaamiyaasha Dalalka Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa u madlan shir ay ku yeeshaan goob hubka ka caagan oo u dhexeysa wadamada Waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya.

Donald Jey Trump madaxweynaha Mareykanka ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in uu la kulmi doono Kim Jong-un  hoggaamiyaah Waqooyiga Kuuriya,isagoo xusay in ay ku kulmayaan xadka labada Kuuriya.

Mr Trump oo ka qeybgalay shir madaxeedka Dalalka ku horumaray Warshadaha ee G20 oo lagu qabtay dalka Japan ayaa lafilayaa in uu u boqoolo dalkaasi Kuuriyada Waqooyi,kadib marka uu dhamaado shirkaasi.

Wafdiga madaxweyne Trump ayaa ugu horeyn tagaya magaalada Seol ee caasimadad Kuuriyada Koonfureed,halkaasi oo ay uga bilaabanayso booqasho labo maalmood ah.

Ujeedka socdaalka Trump ayaa ah dhameystirka heshiiskii baabi’inta hubka Nuclearka ee Xukuumadda Pyongyang,waxaana uu marti qaad uu u sameeyay hogaamiyaha Kuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Hadalka ka soo yeeray madaxweyne Trump ayaa yimid kadib markii uu la shiray madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ay ka wada hadleen dagaalka ganacsi ee labada dal.

Madaxweyne Trump iyo Kim Jon-Un ayaa horey u shiray una heshiiyay,balse majiraan wax dhaqangal ah heshiiska labada dhinac,waxaaana jiray dagaalo siyaasadeed oo ay hawada isku marinayeen labada dal,iyadoo Pyongyang ay la xiratay markii dambe Ruushka,maadaama Ruushka iyo Mareykanka uu ka dhexeeya loolan siyaasadeed.