Odayaasha Dhaqanka Jubbaland oo bilaabay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka

0

Oday dhaqameedyada Maamulka Jubbaland ayaa ku sii qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland si ay u soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa u diyaariyey xarun gaar ah duqeydan iyagoo toddobaadkan soo xuli doona xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.

Hase yeeshee waxaa hore u jirey khilaaf ku saabsan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada.
Madaxweyaha Jubbaland ayaa doonaya in saddex xubnood beel walba ay keensato kadibna hal xubin laga dhex doorto,halka musharaxiinta kale ay fikirkan ka biyo diideen iyagoo codsaday in duqeyda dhaqanka ay soo xulaan xubintii u meteli lahayd baarlamaanka.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka magaalada.