Wasiir kuxigeenka Batroolka XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Caabudwaaq

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Xildhibaanno ayaa shalay galinkii dambe gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga gaaray Caabudwaaq sidoo kale waxaa kamid ahaa Madaxawayne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey Halkaas oo si heer Sara ah loogu soo dhaweeyay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in wafdigan ujeedadiisu tahay u gogol xaarida imaansha Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqasho ku tagi doona Magaalada Caabudwaaq si uu kulamo ulaqaato bulshada qayba-heeda kala duwan ee Degmadaasi.