DHAGEYSO:-Maxamed Cabdi Waare o Loogu Baaqay in uu Iscasilo

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in uu socdo qorshaha diyaarinta Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaan Cabdi Faarax Kala dire oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa sheegay in qorshaha Mooshinka uu socdo,islamarkaana dhawaan lasoo bandhigi doono.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Waare uu ku fashilmay Hogaaminta Hir-shabeelle,mudooyinkii dambana uu maamulka galiyay xaaladd aan daganeen,sidaas darteed ay ugu baaqayaan in uu iscasilo.