DAAWO:- Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Xuska Sannad-guurada 59aad ee 26-ka Juun

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

“Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.”