AKHRISO:- Tirada Askartii Ku Geeriyooday Afgembigii Fashilmay Ee Ethiopia Oo La Shaaciyey

0

Ugu yaraan 13 Askari ayaa la sheegay inay geeriyoodeen dhaawacyo ka soo gaaray Afgembigii Fashilmay ee lala maaganaa Dowlad-gobaleedka Amxaaradda ee dalkaasi.

Taliyaha Boliska Gobalka Amxaaradda, Abere Adamu oo la hadlay Wakaalladda Wararka Amxaaradda ee AMMA ayaa sheegay in 6 Askari lagu dilay intii u socday dagaalkii looga hortegayey Afgembiga, halka 4 kalena ay u geeriyoodeen dhaawacyo rasaaseed.

Waxa kale oo uu tilmaamay in 7 ka tirsan kooxdii waday Afgembiga iyagana la dilay.

Taliyaha waxa kale oo uu sheegay in la xiray 4 Saraakiil sarsare oo ka tirsan Gobalka Amxaaradda, kuwaasi oo qeyb ka ha baaritaanka lagu hayo Afgembigii Fashilmay.

Dhinaca kale, Afgembiga fashilmay waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 Saraakiil ka tirsan Federalka oo uu ka mid ah Taliyihii Milliteriga dalkaasi, Seare Mekonnen.