Kulan Wada-tashi ah oo Ku Saabsan Qorshaha Horumarinta Qaranka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DFS, ayaa kulan wada-tashi ah oo ku saabsan wareega labaad ee qorshaha horumarinta 9aad ee qaranka magaalada Muqdisho maanta kula yeelatay ururada bulshada rayidka ah ee Muqdisho.

Kulankan, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Somaliya Md.Asad Yuusuf Qanyare, khubarada qoreysa qorshaha horumarinta qaranka iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka ah. Waxaana halkaas ay madaxda Wasaaraddu ku soo bandhigeen soo jeedin ku saabsan nuqulka koowaad ee qorshaha horumarinta oo ay ka codsadeen in wixii dhiman ay ku soo daraan qorshaha Sagaalaad ee horumarinta qaranka.

Qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo si weyn uga qeyb-qaatay dood-wadaagii iyo falan-qeyntii qorshaha, ayaa halkaas ka soo jeediyey tallooyinkooda ku aadan dhaqaalaha, nabadda, cadaaladda, maamul-wanaaga, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah. Waxa kale oo ay isku raaceen inay aad ugu faraxsan yihiin in ay qeyb ka noqdaan isla mar ahaantaana talo laga weydiiyo qorshaha horumarinta qaranka DFS.

Agaasimaha Qorsheynta Asad Yusuf Qaran-yare oo isagu na halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u iftiimiyey ahmiyadda uu lee yahay qorshaha horumarinta qaranka ee DFS, waxaana uu sheegay in ujeedka la tashigani uu yahay siddii bulshadu ay qeyb uga noqon lahayd qorista qorshaha horumarinta ee DFS, isaga oo carabka ku dhuftay in ay ku faraxsan yihiin la tashi ay la sameeyeen ururada bulshada rayidka ah isla mar ahaantaana ay qaadanayaan talooyinka iyo soo jeedinaha ay ka dhiibteen qorshaha.

“Runtii waanu ku faraxsanahay in aanu qorshaha horumarinta qaranka u soo bandhigno ururada bulshada rayidka ah, ujeedkayagu waxa weeye in dadka laftoodu ay ka qeyb-qaataana qorista qorshaha oo hadda gacata lagu hayo, waxa aanu dooneynay in aad wixii tallooyinkii na ah iyo soo-jeedinahii ba ku dartaan oo kaga qeyb-qaadataan si waxyaabaha horumarka ah ee dalka laga qabanayaa ay u noqdaan kuwo si xaqiiqo ah ugu dhisan baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka iyo waxyaabaha aynu ahmiyadda siinaynno.”. Ayuu yidhi Asad Yuusuf Qan-yare.

Wasaaradda Qorsheynta DFS, ayaa hore u qabatay wada-tashiga wareega labaad oo ay la yeelatay hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo la dhageystay tallooyinkooda ku aadan qorshaha horumarinta qaranka iyo in loo soo bandhigay ahmiyadda wareega koowaad.

Wasaradda Qorsheynta DFS ayaa sidan oo kale wax ay wada-tashiga wareegga labaad la yeelatay Hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ganasatadda Soomaaliyeed kuwaas oo  la  dhageystay talooyinkooda ku aadan Qorshaha horumarinta Qaranka iyo in loo soo bandhigay ahmiyadda Wareegga kowaad.