AKHRISO:- Muhaajiriin Ay Soomaali Ku Jirto Oo Laga Soo Badbaadiyey Xeebaha Liibiya

0

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen inay 199 qof oo Muhaajiriin ah shalay ka soo badbaadiyeen Xeebaha dalkaasi, kuwaasi oo la socday 5 dooni nooca la buufiyo ah.

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha ee Liibiya, Ayuub Qaasimi oo la hadlay Wargeyska Sputnik Arabia waxa uu tilmaamay inay Muhaajiriintaasi ku soo badbaadiyeen gurmad socday dhowr maalmood oo ay ka fuliyeen xeebaha W/Galbeed iyo W/bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Mar wax laga weydiiyey dalalka ay ka soo jeedaan Muhaajiriintaasi waxa uu tilmaamay inay u kala dhasheen Somalia, Ethiopia, Eritrea, Masar, Senigal, Bangaladesh, Sudan iyo Koonfurta Sudan.

Muhaajiriintaasi oo la siiyey cunto iyo daawayn waxaa lagu wareejiyey Hay’adda La-dagaalanka Muhaajiriinta sharci-darradda ku joogta dalka Liibiya, mana kala cadda in lagu wareejin doono Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ku leedahay dalkaasi.