AKHRISO:- 13 Maleeshiyo Oo Ay Ku Jireen Ajaanib Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Afganistan

0

Milliteriga dalkaasi waxay sheegeen in duqeyn diyaaradeed lagu dilay 13 Maleeshiyo oo gacan-saar la leh Ururka Daalibaan, oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Caaqil Degmo iyo 2 Dagaalyahano shisheeye ah.

Duqeyntaas ayaa la sheegay inuu xalay ka dhacay Degmadda Pasthunkot ee Gobalka Faryab ee Waqqoyiga dalkaasi.

Afhayeenka Milliteriga Afganistan ee Gobalka Waqooyiga, Maxamed Xanif Resaay oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa xaqiijiyey inuu dhacay weerarkaasi, inkastoo uusan shaacinin dalalka ay ka soo kala jeedaan Dagaalyahanadda shisheeyaha ee lagu dilay duqeyntaas.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay sii wadi doonaan inay beegsadaan goobaha ay Maleeshiyadda Daalibaan ku dhuumaalaystaan.

Dhinaca kale, Ururka Daalibaan weli kam aysan hadlin duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan Kooxdooda.