AKHRISO:- Jubbaland oo beenisay Warqad lagu baahiyay Baraha bulshadda

0

Guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Daawad ee magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyey waxqabadka muddadii 3 bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.

Kulanka maanta guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa intii uu socday waxaa lagu sheegay in safarro ay dhowaan ku tageen degmooyinka iyo deeganada gobolada Gedo iyo Jubbada hoose ay kulamo kula soo qaateen qaybaha kala duwan islamarkaana ay u sharraxeen hannaanka loo marayo doorashada.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland Axmed Cumar Maxamed ayaa warbaahinta u sharraxay waxa u qabsoomay guddiga muddadii uu jiray.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland Xamsa Cabdi Bare ayaa u mahadceliyey dhamaan shacabka Jubbaland ee sida diiran ugu soo dhoweeyey deegaanada ay tageen.

Xamsa Cabdi Barre Guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa been abuur ku tilmaamay qoraalka lagu baahiyey baraha bulshada ee ahaa in beesha calaamka ay kala kulmeen cadaadis la xiriira qaabka loo soo xulaayo Xildhibaanada Barlamanka Jubbaland wuxuuna sheegay in doorashadu ay u dhacayso sida loo qorsheeyey.

Guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa howshooda si habsami leh u wata waxaan dhowaan lagu wadaa in ay magaalada soo gaaraan Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka.