DHAGEYSO:-Madaxweyne Xaaf “Askar Ka Tirsan Ciidanka Xooga Ayaa Dadka Ku Laayay Gaalkacyo”

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu ka hadlay dadkii shacabka ahaa ee dhawaan lagu laayay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Xasuuqii Gaalkacyo loogu geystay 9-kii qof oo shacab ahaa ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ciidamo ka amar qaata dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gaalkacyo.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Dhuusmareeb ayaa waxaa uu sheegay in markii uu dhacay Xasuuqii Gaalkacyo ay xireen hal Nin oo ka tirsan Booliska Galmudug,kaasi oo ku lug lahaa wixii ka dhacay halkaasi,isla markaana sheegay  in 10 Nin oo ka tirsan Ciidamada 21-aad ee Xooga dalka ay dadkaas xasuuqa u geysteen.