AKHRISO:- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed oo la Magacaabay

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee maamulkaasi kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in markii uu madaxweyne Laftagareen uu la tashtay wasiirka Garsoorka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, markuu garwaaqday howlaha baaxadda weyn ee shacabka ka sugayaan guddoomiyaha maxkamadda inuu go’aansaday in Axmed Cali Muuse loo magacaabay guddomiyaha maxkamadda sare ee maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in mas’uulkan la magacaabay uu waxbadan ka qabto shaqooyinka horyaalla.

Guddomiyahan loo magacaabay maxkamadda sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya kii Labaad maamulkaasi yeesho tan iyo markii la dhisay Koonfur Galbeed.