DHAGEYSO:-Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle

0

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhex galay guddoonka baarlamaanka Hirshabelle kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed oo jooga magaalada Muqdisho uu fariin ugu direy xildhibaanada baarlamaanka in kuna sheegay in baarlamaanku uu xiran yahay,hase yeeshee waxaa ka soo horjeestey amarkaas guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise.

Guddoomiye ku xigaanka Baarlamaanka Hirshabelle  Canab Axmed Ciise oo shir jaraa’id ku qabatay gelinkii dambe ee maanta magaalada Jowhar ayaa  ku tilmaantay sharci darro amarka uu ku xirey guddoomiyaha baarlamaanka kalfadhiga Baarlamaanka.