Maamulka muuse biixi iyo shacab ku dagaalamay gobolka sanaag

0

Wararka ka imaanaya Deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag ayaa in dagaal u dhexeeya ciidamada Soomaaliland iyo dadka deegaanka uu ka dhacay halkaasi.

Xiisaddaan ayaa bilaabatay kadib markii shalay ciidanka Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ay madaafiic ku garaaceen, dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Damalla-xagarre kadib markii ay magaalada ka taageen calanka Soomaaliya iyo kan  Puntland.

Ciidamada Somaliland oo ka caraysan calanka ayaa dadka u sheegay inay dejiyeen waxaana dadka deegaanku tilmaameen inaysan dejin doonin taasi oo ugu dambayn sababtay in ciidanku ay rasaas ku furaan dadka rayidka ah ee ku sugan deegaankaasi, waxaana la sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay iska horimaadkaasi.

La soco wixii soo kordha