Maamulka Jubbaland oo kismaayo ku qabtay Kooxo dadka canshuur uga qaata waraaqo been abuur ah

0

Rashiid Cabdi Mudulow Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Kismaayo ee dhanka maaliyadda oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka digay kooxo dadka rayidka ah canshuur uga qaata waraaqo been abuur ah oo aan Dowladda kasoo bixin.

Guddoomiyaha ayaa shacabka degmada Kismaayo ugu baaqay in aysan bixin lacago aysan Dowladdu ogeyn oo uu sheegay in ay qaadanayaan dad iska dhigayo shaqaalaha canshuurta qaada ee Dowladda iyaga oo isticmaalaya raasiidyo ama waraaqo been abuur ah.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Jubbaland ay labo bilood ka hor joojisay qaadista canshuurta guryaha ee magalada Kismaayo, islamarkaana hadda aysan jirin canshuur ay ka qaadaan guryaha.

Dadka waraaqaha been abuur ah shacabka uga qaata canshuurta oo intooda badan gacanta Dowladda ku jira ayuu sheegay Guddoomiyahu in sharciga la hor keeni doono.