SAWIRRO:-Duqa Muqdisho Oo Demooyinka G/Banaadir Ka Bilaabay Kulamo Isla Xisaabtan

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa maanta kulan gaar ah oo amniga quseeya la qaatay maamulka degmada Howl-Wadaag isagoo ka wareestay xaalada degmada iyo isbadalka amni ee kajira.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng Yariisoow ayaa kula dardaarmay maamulka degmada iyo laamaha amniga in la xoojiyo sugida nabadgalyada deegaanka iyo in la horumarinyo isku xirka shacabka iyo hey’adaha amaanka.

“Waxaan kormeer shaqo ku tagey Degmada HowlWadaag oo aan kulan isla xisaabtan ah la yeeshay Golaha Deegaanka ee Degmada, isla markaasna kormeeray dhismaha ka socda xaruntii Degmada iyo waddo dayactir xoogan lagu sameeyey”ayuu yiri Eng:Yariisoow

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa ugu danbeyn kormeeray wadada Ceel Garweyne oo oo dib udayactir lagu sameeyay.