Madaxweynihii Hore ee Suudan Albashiir oo La Shaaciyay Xiliga La Maxkamadeynayo

0

Madaxweynihii hore ee dalka Suudan Omar Hassan Albashiir ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socdo lasoo taago maxkamadd sida uu sheegay xeer ilaaliyaha dalka Sudan.

Alwaleed Sayed Axmed ayaa laba bilood kadib afgambigii Albashiir ku dhawaaqay in lasoo taagayo maxkamad maadaama uu wajahayo eedeymo musuq ah.

Ciidamada military ga ah ee dalka Sudan ayaa bishii April afgambi ku sameeyey taliskii 30 sano jirsaday ee Omar Hassan Albashiir kadib dibad baxyo waaweyn oo gilgilay magaalada Khartoum.

Ciidamada ayaa afgembiga kadib xabsiga u taxaabay Albashiir mana uusan kasoo muuqan bulshada horteeda tan iyo bishii april.

Xeer ilaalinta Sudan ayaa sidoo kale sheegtay inay jiraan 41 kale oo kamid ah saraakiishii ugu dhawaa Omar Hassan Albashiir inay ku socdaan baaritaano.