Akhriso:-Qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Bay

0

Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Qarax Miino nuuca dhulka lagu aaso waxa ay kula kacday duleedka degmada Qansax-Dheere ee gobolka Bay.

Qaraxaas ayaa ciidamada koonfur galbeed waxaa kasoo gaaray khasaare kala duwan, waxaana mas’uuliyadiisa dusha u ritay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Labo Askari ayaa la sheegay in qaraxaas ay kaga geeriyoodeen kolonyadii Ciidamada Koonfur Galbeed waxaana jira dhaawacyo aan wali la ogeyn tiradooda rasmiga ah.