SAWIRRO:-Wasiirka Caafimaad oo sheegtay in ay Garab istaagayaan Arday Maanta ka Qalin jebisay Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka Soomaaliya

0

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Drs; Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ay Garab istaagayaan ka wasaarad ahaan, Arday Maanta ka Qalin jebisay Jaamacadda cilmiga caafimaadka Soomaaliya ee Recep Tayyip Erdogan.

Drs; Fowziya, ayaa si weyn u dhiirri gelisay Ardayda, waxanay u sheegtay in aysan ka wal welin shaqo,  oo ay wasaaradda caafimaadka Soomaliya u heellan tahay mar walba, qeybna ka noqon doonaan hannaan wenaagga caafimaadka Soomaliya.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr; Kani Torun,Rektör, Sağlık Bilimleri Üniversitesi iyo sidoo kale Prof; Dr; Kadriye Kart Yaşar, oo goobta ku sugnaa ayaa amaanay heerka wax barasho ee Ardayda.

Adradaydan oo ay tiradoodu ahayd 58, ayaa ahaa dufcaddii ugu horreysay ee ka aflaxda Jaamacadda cilmiga caafimaadka Soomaaliya, iyagoo wax ka bartay qeybaha kala duwan ee Jaamacadda.

Jaamacadda cilmiga caafimaadka Soomaaliya, oo la furay Sanadkii 2016 -kii, ayaa waxaa fekerkeeda  iyo qorshaha lagu hirgeliyayba lahaa Madax weynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.