DHAGEYSO:-Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Shirka ay Nairobi ku yeelanayaan Dowlad Goboleedyada

0

Todobadkaan waxaa aad loo hadal haayay shirka qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeelanayaan Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya,kaas oo la filayay in uu shalay Furmo balse uu dib u dhacay,waxaana shirkaasi ka hadashay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaliya Cabdullaahi Goodax Barre o ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay dhibneyso in Madaxda Dowlad goboleedyada ay ku shiraan dowlad xurguf Siyaasadeed ay kala dhaxeyso.