Askar ku eedeysan dilka Taliye Macow oo maanta maxkamad la horgeynayo

0

Maxkamada  ciidamada qalabka sida ee qeybta gobolka Hiiran ayaa maanta waxaa lagu wadaa in la horkeeno 6 askari oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Taliyihii qeybta booliska Gobalkaasi.

Askarta maanta maxkamada la horkeenayo ayaa waxaa ay isugu jiraan boolis, Nabad sugid iyo militariga Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Maxkamada ciidamada qalabka Sida ee qeybta Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in cadaaladda la marsiinayo askartii ka dambeysay falkii lagu dilay Allaha u naxriistii Taliyihii qeybta Booliska Gobalka Hiiraan.

Dilka Taliyihii qeybta booliska Gobalka Hiiraan ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka kalabeyr ee duleedka magaalada Beledweyne ee Gobalkaasi.

Wixii ka dambeeyay dilka Taliyihii qeybta booliska Gobalka Hiraan ayaa waxaa xiisad ay taagan tahay Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.