Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku wajahan Beledweyne

0

Magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan ayaa maanta waxaa ku wajahan xildhibaannada labada qal ee Baarlamaanka soomaaliya, kuwaasi oo kasoo jeeeda deegaanada Hirshabelle.

Xildhibaannadan ayaa go’aanka ay ku tagayaan Beledweyne qaatay kaddib markii ay shir ku yeesheen magaalada Muqdisho maalinimadii shalay ahayd waxa ayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaaan xiisadda colaadeed ee haatan ka taagan magalaada Beledweyne,  kaasi oo ay ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar dabageed.

Xildhibaannadaan ayaa hoosta ka xariiqay marka ay tagaan magaalada Beledweyne ay isku soo dhaweynayaan labada dhinac ay xiisaddu u dhaxeyso si loo xaliyo khilaafka jira, sidan waxaa sheegay xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.