SAWIRRO:-Wasiirka Waxbarashada XFS oo Degmadda Baardheere ka dhagax dhigay Machadka Tababarka Macalimiinta

0
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si rasmi ah ugu dhagax dhigay dagmada Baardheere ee Gobalka gedo machadka tabarka macallimiinta Soomaaliyeed.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa safarka uu ku tagay Dagmada Baardheere  waxaa ku wehliyay Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabir] Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo masuuliyiin kale.
Dhagax-dhigga machadka laga hirgalinayo Dagmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafdi ka socda wasaaradaha waxbarashada Dawlad goboleedyada Jubaland iyo koonfur galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jubaland ayaa Soo dhaweyay machadka tabarka ee laga dhisayo dagmada Baardheere ee gobalka gedo waxa uuna sheegay in ay tahay talaabo horay loo qaaday waxa uuna ka codsaday wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya in wasaaradu ka caawiso dhismaha iskuullada.
Wasiiru Dowlaha wasaarada waxbarashada XFS mudane Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa waxa uu sheegay in horumarka waxbarashada ay tahay talaabada koobaad ee qofkasta oo Soomaali ah looga baahan yahay islamarkaana machadkaani la hirgalinayo Dagmada Baardheere uu yahay mid ay ka soo bixi doonan macallimiin tayo leh.
Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay dhagax dhiga machadka tababarka macallimiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in bahda waxbarashada muhiimad gaar ah uu u leeyahay machadkaan.
“Waxaan maanta aniga wafdigii ila socdayba aan u nimid Dagmada Baardheere ee gobalka gedo anagoo isigu jirno wasaaradii waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaliya  iyo Deeq bixiyaasha qaarkood muhiimada koobaad ayaa aheyd in aan u kuur galno Arimaha waxbarashada iyo bahda waxbarashada reer Baardheere waxaan sigaar ah ugu nimid in aan dhagax dhigno machad soo saari doono macallimiinta dugsiga hoose dhexe ee labada maamul gobaleed  ee Jubalaand iyo koonfur galbeed” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.
Wasiirka waxbarshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa  kormeer ku tagay dugsiyada ku yaala dagmada Baardheere ee gobalka Gedo waxana ku soo dhaweyay ardayda dugsiyada Dagmada Baardheere .