Akhriso:-Aadan Bare Ducaale Oo Baaq U Diray Madaxweynayaasha Somalia & Kenya

0

Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha ugu aqlabiyadda badan ee Barlamaanka dalkaasi waxa uu ku baaqay in Xal Saaxiibtinimo lagu dhameeyo Khilaafka Diplomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada waddan, waa sida uu hadalka u yiri.

Isagoo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Nairobi ayuu sheegay inay Somalia iyo Kenya muddo dheer lahaayeen xiriir, kaasi oo aan marnaba wax u dhimin Muranka dhanka xuduudka ee u dhexeeya.

Aadan Barre Cucaale oo ah Xildhibaanka laga soo doorto magaalladda Garissa ee ay W/bari ee dalkaasi waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo  iyo dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta inay garwaaqsadaan Walaaltinimadda iyo Derisnimadda labada Waddan, lana xaliyo khilaafka taagan ee muranka xuduudka badda.

Waxa uu tilmaamay inay Kenya si xooggan u maalgelisay Somalia, oo ay ku jiraan dhinacyadda Ammaanka iyo marti-gelinta qaxootiga ee 30-kii sanno ee la soo dhaafay, wuxuuna si maldahan u sii raaciyey inaan la oggolaanin in ilmaha lagu tuuro biyaha qubeyska, waa sida uu hadalak u dhigay.

Adan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha ugu muhiimsan Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya waxa kale oo uu tilmaamay inaan Danaha Xuduudka laga geli doonin wax xeer-jajab ah.

“Wax badan ayaa khatar ku jira, waxaana u baahanahay Xal, Is-marin-waa’ga waa caafimaad-darro, waxaan haynaa arrimo badan oo lagu heshiiyo” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Mar uu ka hadlayey Khilaafka Muranka Xuduudka Badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya waxa uu sheegay inaan la hubin inuu xukunka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee  ICJ ee fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda The Hague ee dalka Holland  xal la hubo u noqon karo Muranka Xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya

Waxa uu ku baaqay Labada dowladooda inay raadiyaan Xal, lana muujiyo Niyad-wanaag, isagoo sheegay Ka Muwaadin Kenyan ahaan inuusan marnaba oggolaanayn in dal kale qaato qeyb ka mid ah dhulka ama Badda Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu ku baaqay in khilaafka lagu xaliyo si  Diplomaasiyad leh, isagoo sheegay inay Somalia tahay waxa uu ugu yeeray walaalkooda ka yar Kenya.