Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Baladweyne & Maleeshiyo Hubeysan Oo Soo Buux Dhaafiyay

0

Cabsi xooggan ayaa ka taagan Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ka dib markii halkaasi shalay ay ku dagaallameen Ciidanka Booliska Hirshabeelle iyo Ciidan taageersan Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Dabageed.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamo badan oo taabacsan Gudoomiyihii Xilka laga qaaday ay soo galeen Xaafado ka mid ah Magaalada Beledweyne.

Sidoo kalena Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Xaafado ka mid ah Magaalada Beledweyne.

Dadka degaanka ayaa saakay ku waabariistay xaalad cabsi ah,waxayna ka baqayaan in mar kale lagu dul dagaalamo.

Yuusuf Dagabeed ayaa diidan xil ka qaadista lagu sameeyay,wuxuuna madaxda ugu sareysa Hirshabeelle ku eedeeyay awood sheegasho iyo ku tumasho sharciga Hirshabeelle.