Dowladda oo Guddi Baara u xil saartay Shaqaaqadii ka dhacday Hiiraan

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaraada Amniga ee Xukuumadda soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay dagaalkii  shalay galinkii danbe ka dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne  ee gobolka Hiiraan.

Cabdinasir Saciid Muuse oo ah wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga Soomaaliya ayaa  waxaa uu sheegay in ciidamada amaaanka qeybahooda kala duwan uu uga digayo in ay ka qeyb qaataan xiisada ka taagan Gobolka Hiiraan, waxaana uu intaa raaciyay in wixii duleedka Beledweyne ka dhacay ay aad uga xun tahay dowladda federaalka  Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in gudi loo magacaabi doono shaqaaqadii ka dhacday magaalada Beladweyne, si ay u soo baraaan cidii ku luglaheyd wixii duleedka Beledweyne ka dhacay.

Sidoo kale Waxaa uu wasiirka ku xigeenka shaaca ka qaaday in xal waara ay gaari doonto muranka ka taagan Gobalka Hiiraan.