DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Guddoomiyay Shirka Horumarinta Iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya

0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha ayaa lagaga hadlay Arimaha doorashooyinka, qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Kulanka  ayaa sidoo kale looga hadlay shirka xariirka Iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabanayo bisha July ee sannadkaan.

Shirka ayaa  warbixin looga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir oo soo bandhigay mashaariicda ka socotagobalka iyo horumarrada uu ku tillaabsaday.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ayaa sidoo kale shirka kusoo bandhigtay horumarka laga gaaray u diyaar garowga doorashooyinka dalka ee sannadka 2020/1

Wasaaradda haweenka, ayaa ka qayb galayaasha shirka kusoo bandhigtay mashruuca horumarinta haweenka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa ugu dambayn lagu ansixiyay mashruucyada taageerada doorashooyinka dalka iyo xanaanaynta dhalliyarada Soomaaliyeed ee lasoo laabtay marin habaabinta kooxaha argagaxisada