SAWIRRO:-Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo tababar u furay Shaqaale ka socda Dowlad-Goboleedyada

0

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa maanta tababar uga furey Magaalada Muqdisho shaqaale ka kala socda Wasaaradaha Boostada & Isgaarsiinta dowlad-goboleedyada dalka.

Tababarkan oo lagu baranayo farsamada & maamulka Astaanta qaran ee Internetka dalka ee dotSO oo ay ka soo qeyb-galeen shaqaale ka kala socda dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed ee Puntland, Jubaland, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxa ay muddo seddex (3) maalmood ah shaqaalahani ku baran doonaan casharro la xirriira maamulka farsamo ee astaanta Internetka dalka.

Tababarkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha baahinta isticmaalka astaanta qaranka ee gudaha dalka gaar ahaan in ay Wasaaradaha heer Dowlad-Goboleed ka caawiyaan howlaha la xiriira maamulka farsamo ee Astaanta dotSO.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedadda, himilada iyo hiigsiga Wasaaradda ee ah in la helo isgaarsiin leh hal-beeg caalami ah oo lagu baahiyo dalka oo dhan marnaba dhamaystirmi karin haddii aan la helinin shaqaale tayo leh oo ka rumeeya xaqiijinta yoolkaas sidaa darteedna ay wasaaraddu diyaarisey qorshe lagu daraaseyno baahiyaha tababar ee mudnaanta leh ee xoogga iyo xirfadleyda farsamo ee dalka.

’’Waxa aan idin kula dardaarmayaa dhammaantiin in aad si fiican u dhuuxdaan, casharada tababarkan seddexdan maalmood, aadna dib ugu celisaan aqoonta aad halkan ka heshaan uguna faa’iideysaan wasaaradihii aad ka timaadaan’’ ayuu yiri wasiirka oo la dardaarmayey shaqaalaha tababarka u furmay maanta.

Tan iyo markii ay la soo wareegtay Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda gacan ku haynta astaanta internetka dalka ee .SO ayaa waxaa lagu soo kordhiyey horumarro farsamo iyo maamul kuwaas oo suurto-geliyey in si fudud loogu istimcaalo Astaanta gudaha dalka.