SAWIRRO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ay korortay Tirada Maleyshiyaadka Al-shabaab ee kasoo goosta

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Nabadiidka Al-Shabaab kaasi oo ka socda Gobolada Dalka Soomaaliya.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay inuu dar dar ku socdo howlgalka Dalka looga cirib tirayo Nabadiidka Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen; Indhaqarshe ayaa la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed Awoodda Ciidanka Xoogga Dalka in ay yihiin kuwa Dalka ka saari kara Kooxda Al-shabaab.

Dhallinyarada ay qaldeen Nabad-diidka Al-shabaab ayuu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay in ay kasoo laabtaan Fikirka qaldan ee kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas ; Daahir Aadan Cilmi, waxa uu sheegay in ka badan 30 Malleeyshiyaadka Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa isa soo dhiibista xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ku macneeyay, howl gallada is daba joogga ah ee ay Ciidamadu ka sameeyaan goobaha ay Cadawga ku dhuumaaleysanayaan.

S/gaas; Daahir Aadan, ayaa beeniyay wararka sheegaya in la jabsaday keydkii Hubka Wasaarada gaashaandhigga, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah.

Warbaahinta ku howlan wararka been Abuurka ah ayuu uga digay in ay ku dhaqmaan wax ka baxsan sharciga iyo nidaamka u dagsan Dalka,wuxuuna faray in ay ka digtoonaadaan.