SAWIRO:- Ciidamo ka goostay Soomaaliland oo gaaray gobolka Sanaag

0

Ciidamadaan oo aan weli tiradooda la shaacin ayaa ahaa jabhad hubeysan oo taageerta Soomaaliland,waxaana la sheegay inay kqsoo tageen deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag,isla markaana lagu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu Aas’aasay Boqor Buur Madow oo ka mid ah Salaadiinta Soomaaliland,waxaana Ciidamadaas oo dhaweyn qeybo ka mid ah Gobolka Sool ugu sameeyay Odayaasha iyo waxgaradka Gobolkaas.

Qaar ka mid ah Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada kasoo goostay Soomaaliland ayaa waxaa ay ku hanjabeen inay la-dagaalami doonaan Maamulka Soomaaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waa jabhadii labaad ee kasoo baxda ciidamada Soomaaliland,iyada oo horay ay Soomaaliland uga soo baxeen Jabhadda uu hoggaamiyo Korneel Caare,kuwaas oo sheegaya inay dagaal adag la geli doonaan Soomnaaliland.