Puntland oo deegaanadeeda ka musaafurinaysa Saraakiil Ajaanib ah

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Socdaalka Maamulka Puntland ayaa waxaa deegaanada Maamulkaasi looga ceyriyay Saraakiil Ajaanib ah oo u Shaqeynayay laba Hay’adood oo ka howlgalla deegaanada Maamulka Puntland.

Labada Hay’adood oo lagu kala Magacaabo World Vision iyo Relief International ayaa  lagu kala eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq iyo In mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adaha uu ka dhacay Sharciga ogolaanshaha Shaqada.

Napoleon Phiri Madaxa hawlgalada ahna Madaxa xafiiska Puntland ee hay’adda World Vision ayaa lagu eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq iyo ku xad gudubka nidaamka shaqaaleysiinta ee dowladda Puntland.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxaa uu ceyriyay Nelson oo isna ka tirsanaa Hay’ada Relief International, waxaana  lagu eedeeyay in uu iska dhega tiray cusbooneysiinta ruqsada Shaqada oo ka dhacday kuna xadgudbay Shuruucda dalka gaar ahaan deegaanada Puntland.