DHAGEYSO:-Lafta Gareen”Waa La Dili Doonaa Askarigii Qof Shacab ah Dila”

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), ayaa si kulul ugu hadlay dhibaatooyinka Ciidamadda Koonfur Galbeed ku hayaan shacabka Magaaladaas.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin dhibaatooyinka Ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ku hayaan shacabka,islamarkaana la dili doono askarigii dil u geysta qof shacab ah.

“Mala aqbali karo in Qof shacab Ah wax galabsan la dilo oo dilo Askari Shacabka Amnigiisa Ilaalin lahaa Qofkii Qof dila Waa ladilaa ayuu Yiri’ Madaxweyne C/Casiis”, ayuu yiri Madaxweyne C/Casiis Lafta Gareen.