Wasiir Canshuur oo xilka ka qaaday xubin ka mid ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka

0

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan ayaa xilka ka qaaday Cali Ibraahim Shaameey oo ahaa xubin ka tirsan Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Wasiirka Boostada ayaa lagu sheegay in aysan suurto-gal ahayn in uu meleto siyaasada Wasaaradda mas’uul hormuud ka ah Xisbi Siyaasadeed.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha xilka looga qaaday ay ka mid tahay kaddib markii uu diiwaan geliyay Xisbi lagu magacaabo Horusocod, waxaana uu ka soo muuqday qaar ka mid ah Telefishinada, isagoo ku hadlayay magaca Xisbigaas.

Cali Shaamey oo ahaa Kaaliyihii Madaxweynihii hore Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa ka mid ahaa 9-ka xubnood ee Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka, kaasoo uu horay u soo magacaabay Wasiir Canshuur.