TOP NEWS:-Madaxda Galmudug oo beeniyey in uu khilaaf soo kala dhex galay

0

Maamulka Galmudug ayaa war kasoo saaray warar dhowaanahaanba la isla dhexmarayay, kuwaas oo sheegayey in khilaaf uu soo kala dhex galay hoggaanka ugu sarteeya Ahlusunna Waljameeca iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxweyne Xaaf ayaa lagu yiri, “Waxba kama jiraan wararka lagu baahiyey Baraha Bulshada ee la xiriira kala aragti-duwanaan u dhexeysa Madaxda Galmudug”.

Waxaana jiray warar ay baahiyeen warbaahinada qaar kuwaas oo lagu sheegay in hoggaanka Ahlusunna iyo Madaxweyne Xaaf uu soo kala dhex khilaaf salka ku haya doorashada maamulkaas oo Madaxweyne Xaaf uu doonayo in la qabto sanadka 2020-ka halka madaxda Dowladda dhexe ay dooneyso in doorashada maamulkaas la qabto horaanta bisha todobaad ee nasoo aadan.