QORMO:- FADARAALKA OO AH DABAR AMA ISBAARO LOO DHIGTAY IN DIB DANBE SOOMAALIYA U HESHO DAWLAD DHEXE OO XOOGLEH

0

Horaan maqaal uugu soo bandhigay dhibka iyo shirqoolka fadaraalka iyo cidii inoo keentay.waxaad maanta arkaysaan halkii laysugu tagi lahaa ee la dhisi lahaa ee lagarab istaagi lahaa dawlad soomaaliyeed,oo dalkeena bad baadisa cadawgana iska celisa iyo gumaystaha ayaad arkaysaan in GALMUDUG IYO PUNTLAND oo isu arka laba dawladood in ay garabka ku hayaan una adeegayaan maslaxada cidkasta iyo dawlad kasta oo cadaw ku ah jiritaanka umada soomaaliyeed iyo xoriyada dawladnimo ee dalkeena. waxay la dagaalayaan in dalku yeesho hal dawlad oo MOGDISHO looga arimiyo.

Labadan dawladood GALMUDUG IYO PUNTLAND waa laba beelood dhab ahaan dawladnimana ka dheer xaaf iyo dani midna maha madaxweyne!! waxaase kuu cad in ay hal shaqo uun hayaan oo ah in dalkaan aysan dawlad xoog leh oo hanata dalkoo dhan ka dhicin,shaqadana waxaa u dirtay sayidkooda la hoos geeyay ee ah kenya iyo ethiopia. Hadaba waxay u shaqeeyaan cadawga soomaaliyeed iyagoo fulinaaya hadafkii fogaa ee ahaa beelo iyo qabaa ilo soomaaliyeed waa jiraan laakiin dawlad iyo qaran soomaaliyeed majiro beelahaas oo hoos yimaad ethiopia iyo kenya.

Halkan waxaad ka fahantahay in fadaraalku yahay beelo iyo qabii looyin hoos taga kenya iyo ehtiopia meeshana waxaa laga saaray soomaali dawlad ah. waadna aragtaan siday hada ula safan yihiin kenya iyo ehtiopia una diidan yihiin dawlad soomaaliyeed.saas ayaa keentay in fadaraal lagugu shirqoolo hadaad tahay wadaniga soomaaliyeed.reero calamo yar yar wata oo dawlado ah!! macnaheedu waxaa weeye beelo kala joogaa dawlad ma noqdaana yaa dawlad u ah dadkaan? jawaabta arkhristahaan u daayay.

Halkan waxaa taagan,gumaystihii ingiriis oo dawlad ah iyo qabiil soomaaliyeed,goobtu waa Nairobi waxay u tageen halkaa in ay gacanta kasoo dhunkadaan iyo lugaha madaxda kenya,una muujiyaan in ay hoos joogaan dawlada kenya kuna garabtaagan yihiin biyaha bada kenya ee ay soomaalidu sheeganayso waaday u sheegan cadawgee,waxayna yiraahdeen ” Raali kama nihin gardarada ay wadaan reer Mogdisho oo sheeganaya bada kenya” waxay isu haystaan sidaa Puntland iyo Galmudug in ay dawlad yihiin layiraahdo SOMALILAND!! Waxaa xusid mudan in Ingiriisku iyo Kenya ay yihiin kuwo aad uga dharagsan in SOMALILAND tahay magac ay ku hoos jirto hal beel qayb yaroo kasii mid ah oo ka tirsan beelaha soomaaliyeed ee dagan waqooyiga soomaaliya.

Waxay u waramayaan gumaystihii kala qaybintan sameeyay, Ingineerkii guriga dhisay ayay naqshad hor wad wadaan isna dhoosha ayuu ka qoslayaa xataa anaa!!. kuwani sadex midna malaha iimaan malaha,diin malaha,dalna malaha. haday leeyihiin ninka intaas aamin sani kuma xad gudbo intaba ee wuu ilaaliyaa. hadaba nimankani intaa ma ilaaliyeen weeye suaashu?

Hadaba Somaliland oo jifo ah,Puntland oo jifo ah iyo Galmudug oo jifo ah ayaa hoos jooga kenya oo beecinaya dhulkoodii iyo badoodii sidaynu aragnaba.markaa akhristoow ma tahay beelo soomaaliyeed oo hoos jooga kenya iyo ehtiopia arinka dalkeenu? sow kuuma cada fadaraalku in uu yahay jifooyin calan been ah huwan oo iska dhigaaya dawlad gumaysiguna u durbaan tumaayo. hadaba maxaa la gudboon shacabka soomaaliyeed ee dalkaan iska leh?

Waxaan qabaa in aan dawladeena garab istaagno dad iyo dal jira ayaynu nahay,libintana inagaa iska leh dalkeena waa difaacanaynaa kuwa gumaysiga inaga raacayna(jifada sacad,jifada maxamuud saleebaan,jifada habar awal,jifada reer cabdille) gacanbir ah ayaan ku qabanaynaa waana maxkamadaynaynaa.Soomali afartaan jifo maxay kayihiin nin walbaa taa garanaaya kama aha 2% boqolkiiba laba.majeclayn in aan afka beel ku dhufto,waana ogahay in dadku wada xumayn hasa yeeshee jifooyinkani mahayno wax garadkoodii,odayaa shoodii oo ka hor yimid markay arkeen in ay shisheeye u shaqaynayaan, markay arkeen in ay ka horyimaadeen dawladnimo soomaaliyeed,halkaa waxaa nooga cadaatay in ay dulmigaa taageersan yihiin,markaa waa waajib in aan tilmaano, meela soomaali uga soo wada jeed sato,kooda fiican in ay dib dhigaan maha kan khayaamaya dalkana soo hormariyaan oo daba kacaan sidaa muuse biixi,dani,xaaf,axmed madoobe oo iyaguna is rabin dawlad soomaaliyeedna rabin. Dalka soomaaliya ayaa leh dawladna waynu nahay iyo qaran jira,calanbaan leenahay,caasimad baanu leenahay MOGDISHO, madax baanu leenahay, qaranbaanu nahay manihin qabiil.

Dawlado badan oo caalamka ah ayaa na taageersan,sida Turkiga waana ognahay in kenya cabsanayso markay ogaatay xooga soo socda ee soomaaliyeed oo haysta hubkii uugu danbeeyay caalamka oo aysan wali helin ethiopia iyo kenaya.soomaaliyeey waxaan idiin balan qaadayaa in mardhaw aad arki doontaan MOGDISHO oo loo soo kala dhuunto kenya iyo ehtiopia.kuwa isa soo ban dhigay ee u shaqeeya gumaystaha ee umada soomaaliyeed u wada jeedo waa kuwa uugu xun kana sii liita gumaysiga kuwan sharcigaan horkeenay naa waana khiyaara qaran ciqaabtoodu.

Soomaaliya labaa loo kala baxay intabadan oo difaacaysa dawladnimada iyo dalkeena xoriyadiisa iyo in yaroo gumaysiga daba dhilif u ah oo dalka dhaafsaday xooga doolar ah. nin walbaa xaqiisu helayaa ee nin waloow haka qoomamayn waxaad meel dhigatay bari.

W/Q yuusuf Cumar