Madaxweyne Xaaf Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobalka Mudug

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu Guddoomiye cusub u magacaabay Gobalka Mudug,iyadoona midkii hore xilkii uu ka qaaday.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug loogu magacaabay in uu noqdo Cabdiraxmaan Cali Diiyire (Isxal),kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Cabdi Rashiid Xaashi Cartan.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa faray hay’addaha amniga ee ka howlgala Gobolka Mudug iyo kuwa gargaarka inay la shaqeyaan Guddoomiye Cabdiraxmaan.