AKHRISO:- Waqtiga uu furmayo Kulamada Golaha Shacabka oo la shaaciyay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee golaha shacabka.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulankooda maanta kaga dooday arrimo ay ka mid yihiin in dib loo furo kalfadhiga Golaha oo hakad galay bishii Ramadaan oo Xildhibaanada Golaha ay u baxeen cumro iyo iney gutaan waajibaadka Alle uu saaray.

Sidoo kale, guddiga joogtada ayaa ka hadlay kalafadhiga hadda lagu gudajiro ajendihiisa in la dhammeystiro. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in 15 bishaan dib loo furo kulamada golaha shacabka,waxaana Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loogu baaqay iney dalka dib ugu soo laabtaan.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa xildhibaanada dalka ka maqan ugu baaqay iney si deg deg ah ku soo laabtaan ka hor 15-ka bishaan.